Dowladda Hindiya ayaa ka hadashay xaalada siyaasadeed ee xilligan Soomaaliya shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo doorashooyinka weli lagu muransan yahay.
Danjiraha India ee UN-ka TS Tirumurti addresses UN Security Council meetingayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay yeeshaan wada-hadallo lagu dhameeynaayo khilafka la xiriira Arrimaha doorashooyinka ee kajira dalka.
Danjire TS Tirumurti aya isaga oo ka hadlayay Maalin ka hor fadhigii Golaha Ammaanka ayaa ka digay in xilligan kala guurka ah Soomaaliya looga dyrbaan tumo rabshado ka dhaca.
“Hadii shakiga ku aadan in doorashooyinka aysan qabsoomeyn uu sii xoogeysto, waxaa sii cuslaaneysa xaaladda, waxaana muhiim ah in hoggamiyeyaasha Soomaalida ay ka heshiiyan khilafka doorashooyinka ayuu yiri” Danjire TS Tirumurti
Ugu dambeyn Danjiraha India ee UN-ka Danjire TS Tirumurti waxaa uu sheegay in dib u dahc kasta eek u yimaada doorashooyinka Soomaaliya ay ka faa’iideysan karaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee kajira Soomaaliya.
Inta badan dalalka Caalamka iyo Ururada ay kamid tahay Soomaaliya ayaa aad walaac uga muujiyay shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Muqdisho 19-kii Febaraayo, iyaga oo ku baaqay in ay wada hadlaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida.