Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa howlgallo waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Bari, kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.
War kasoo baxay taliska Ciidamada PSF ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka Ciidamada ay sigar ah uga sameeyeen degaanada Ceel Kharaar, Dameer,Ceel Cadayle iyo Xamur ee Buuraha Cal Madow.
Howlgalka oo ayaa mid miino baaris ah ayaa sidoo kale waxaa ay ciidamada Puntland ka sameeyeen Wadada u dhexaysa Sugure, Balikhadar iyo Galgala, waxaana saraakiisha ay sheegeen inay ku hwolgalleen xog ay heleen.
Ciidamada PSF oo weli wada hawlgalladii sifeynta ahaa ee ka dhanka ahaa Al Shabaabka miinooyinka geliya Wadada u dhexaysa Sugure, Balikhadar iyo Galgala, ayaa waxay ciidamada PSF iyaga oo ka duulaya xog ay ka heleen dadka degaanka waxay maanta 20 February, 2021 hawlgallo ka sameeyeen degaanada Ceel Kharaar, Dameer,Ceel Cadayle iyo Xamur ee Buuraha Cal Madow.
Saraakiisha ma sheegin waxyaabo lagu soo qabtay howlgalkaas, hayeeshee waxaa ay sheegeen inay howlgalalda noqon doonan kuwo si joogto ah u socda, si amniga degaannada Gobolka Bari loo xaqiijiyo.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bari ayaa waxa mararka qaar ka dhaca weeraro iyo qaraxyo miino oo lala beegsado Ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab & Kooxdsa Daacish.



