Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay weerarkii xalay lagu qaaday Hoteelka ay degan yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in maamulka xilkiisa dhamaaday aan laga aqbali Karin in uu isku dhejiyo talada wadanka.
Waaa uu nasiib daro ku tilmaamay in maanta ay daadiyaan ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayna weeraraan Madaxdii hore ee dalka.
War uu soo saaray Kheyre ayaa sidaan u qornaa:
Weerarka caawa saqdii dhexe lagu qaaday hotelka ay magaalada Muqdisho ka deganyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa bilowga natiijada siyaasadda xukun isku dhajinta ah ee aan ka digeynay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Waana ibafurka farriimahii xambaarsanaa dhiilada colaadeed ee maalmihii tagay kasoo yeerayay hey’addaha dowlada ee muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhamaaday.
In mas´uuliyiin iyo shacab Soomaaliyeed weerar toos ah oo xabado loo adeegsaday lagu qaado, naftooda iyo maalkoodana halis la galiyo, si looga hor istaago ku muujinta dareenkooda si nabad ah, iyaga oo gudanaya waajibkooda muwaadinimo iyo xuquuqdooda dastuuriga ah, waa arrin si xilkasnimo la’aan ah loogu bareeray in masiirka dalka lagu burburiyo.
Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey usoo aragnay.



