127 qof oo maanta laga helay Karoona virus Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka dowlada Soomaaliya ayaa faahfaahisay Wararkii ugu dambeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in maanta guud ahaan Cudurka laga helay 127 ruux oo ku sugan Muqdisho,Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle, islamarkaana ay sare u sii kacayaan kiisaska cudurka Karoonaha.

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 637
o Laga Helay: 127
o Banadir: 126
o Hir-Shabelle: 1
o Lab: 73
o Dhedig: 54
o Dhimasho: 9
Tirada Guud ee Laga Helay: 5,500
Bogsashada Guud: 3,750
Dhimashada Guud: 172