SAWIRRO:- Salaam Soomaali Bank oo Xarun ka furtay degmada Cabudwaaq

Munaasabad si maamuus sare leh loo soo agaasimay oo lagu daah furay xarunta cusub ee Salaam Soomaali Bank ayaa maanta lagu qabtay Degmad Caabudwaaaq ee Gobolka Galgaduud.

Waxaana lagu marti geliyey Bulshada Caabudwaaq qeybaheeda kala duwan iyo Madax ka kala socotay Maamulka Degmada, Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyò Ganacsato. Aqoonyahan, Ururada Dhalinyarada iyo haweenka Degmada.

Shucayb Xaaji Nuur Maxamed oo ah gudoomiyaha Salaam Somali Bank ayaa muhiinadda Xaruntan iyo Faa’iidada ay u leedahay bulsha ka sheegay munaasabada daahfurka Bangiga.

Masuuliyiin kala duwan oo isugu jirta Ganacsato, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haween ka hadlay Munaasabada Daahufka Bangiga Salaam ayaa si isku mid ah u soo wada dhaweeyay una mahadceliyey maamulayaasha bangiga

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mudane Mahad Cumar Cilmi oo ka jaray xariga Bangiga ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyey Maaamulka bangiga.