Xanuun cusub oo ka dillaacay deegaanka Soomaalida Itoobiya

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xannuunka Dengue ee caanka ku ah qandhada uu ka dillaacay qeeyba ka mid ah gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Ilaa iyo 207 xaaldood oo looga shakiyay inuu xannuunkaasi yahay ayaa ilaa iyo hadda laga soo weriyay gobollada Dolo iyo Liibaan.

WHO waxay sheegtay in la sameynaya baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinaya jiritaanka cudurka, waxyan intaasi ku dartay in baaritaannadaasi lagu sameynaya shaybaar ku yaalla Hawassa.

Deegaannaadaasi ayuu isla xannuunkan Dengue horay uga dillaacay sannadihii 2017 iyo 2018.

“Nafaqa yaraanta bulshada oo ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday iyo barakaca ayaa sabab u ah kiisaska kordhay ee xannuunkan Dengue ee degmooyinkaasi”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay WHO

Hay’adda ayaa hoosta ka xariiqday baahida deg deg ah ee loo qaba in la buufiyo kaneecada oo gudbisa xannuunkaasi.

“Waxaan ku baaqeyna in dowladda ay si waddo doorkeeda hoggaamineed iyo tallaabooyinka lagu hubinaya fayadhowrka caafimaadka dadweynaha si loo joojiyo faafitaanka xumadda Dengue”, ayuu yiri Dr Boureima Hama Sambo oo ah madaxa WHO ee Itoobiya.