Dowladda Soomaaliya, AMISOM & Jubbaland oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta oo Isniin ah shir-gudoomiyay kulanka bilaha ah ee Golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.

Madasha waxaa ka qayb-galay Golaha Xukuumada ee amniga katirsan, Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa Nabad ilaalinta AMISOM iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo u diyaargarowga nabadgalyada dorashooyinka dhawaan la filaayo in ay qabsoonto.

Dhanka kale, gabagabadii Shirka, Madaxweyne ku xigeenka, Maxamuud Sayyid Aaden ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeryoodeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ka dhacay Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu Alle uweydiiyey, inuu Janada geeyo intii dhimatay kuwa ku dhaawacmayna Rabbi u booga dhayo.