Ciidamada Booliska Gobalka Bari Puntland ayaa Maanta howlgalo Amni xaqiijin ah ka Sameeyay Buuraha ku teedsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Howlgalka ayaa qeyb ka ahaa howlgallo ay mar kasta sameeyaan Booliska Gobolka Bari si looga hortago waxkasta oo dhibaato u keeni kara Bulshada ku nool Gobolkaas.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo howlgalka hoggaminayay ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, isla markaana looga hortegi lahaa kuwa Magalada Boosaaso soo gelinaya waxyaabaha maanka dooriya.
Waxaa uu sheegay in howlgalka ay sii wadi doonaan ila ay ka xaqiijinayaan guud ahaan amniga degmooyinka iyo degaannada gobolka Bari gaar ahaan nawaaxiga Magaalada Boosaaso.
Degaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo mas’uuliyadooda ay sheegeen Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.



