Goolkiisii Ugu Quruxda Badnaa, Rikoodhyadii Uu U Dhigay Arsenal & Waxyaabaha Lagu Xusuusan Doono Mesut Ozil Waayihiisii Gunners

Bishii September 2013, Mesut Ozil ayaa noqday saxiixii ugu qaalisanaa Arsenal isagoo Real Madrid uga soo wareegay heshiis qiimihiisa uu ahaa 66 milyan doolar.

Ozil ayaa ka caawiyay Gunners inay jabiyaan abaartii koobabka ka heysatay muddo sagaal sannadood ah iyagoo qaaday koobka FA Cup xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay kooxda.

Xilli ciyaareedkiisii seddexaad waxa uu Premier League ku hogaaminayay 19 caawin, wuxuu hal caawin kaliya u jirsaday rikoodhka caawintii ugu badneyd hal xilli ciyaareed ee horyaalka Premier League ee uu dhigay Thierry Henry, laakiin Ozil wuxuu dhigay rikoodh ahaa inuu todoba kulan oo isku xigta oo Premier League ah uu caawin sameeyay.

Goolkiisii Champions League ee uu ka dhaliyay Ludogorets ayaa ah midkii ugu xusuusta badnaa ee uu dhaliyo intii uu xirnaa maaliyada Arsenal.

Mesut Ozil ayaa ka tagay Arsenal kuna biiray Fenerbahce maanta isagoo sameeyay 77 caawin iyo 44 gool, wuxuu ku guuleystay afar koob 254 kulan uu kooxda u dheelay. Halyeey la hubo oo Arsenal ah.