Dhageyso:- Dood ka dhex-taagan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa xilligaan waxaa ka dehx-taagan dood la xiriirta 17 xubnood oo la doonayo in lagu kordhiyo Baarlamaanka maamulkaas, Xubnahaas oo la siinayo haweenka ku ool degaannada Hir-shabeelle.

Kulan ay dhawaan ka yeesheen arrintaasi ayaa dood adag ka dhalatay, iyada oo Xildhibaannada baarlamaanka Hir-Shabeelle ay ku kala qeyb-sameen in 17 xubn ood lagu kordhiyo Baarlamaanka oo qaarkood ay diideen.

Hadaba Hoos Ka Dhageyso Warka ku saabsan dooda ka dehx-taagan Baarlamaanka Hir-Shabeelle & Wariye Raxmo Maxamed Sheekh.