Ciidanka xoogga oo gacanta ku dhigay labo ka mid ah rag dilay Saraakiil ciidan

Howlgal ay sameeyeen ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa waxaa ay Maanta  gacanta ku dhigeen 2 ka mid ah raggii bishaan dhexdeeda  saraakiisha ciidanka xoogga dalka somaliyeed ku laayay wadada isku xirta Balanballe iyo Guriceel.

Sidoo kale waxa iyagana gacanta lagu hayaa dad u fududaynayay dhuumaalaysigooda.

Hawlgalkan oo ahaa mid gaadmo ah laguna baacsanayay raggii falkaan ka danbeyey ayaa waxaa loo adeegsaday  gaariyaasha nooca ay shacabku adeegsadaan Sida Borobokis  iyo Noohho, waxaana haatan lagu raad joogaa kuwo kale oo isla goobta hawlgalku ka dhacay ka baxsaday.

Ciidanaka oo hayay xog ah in ay deeganka soo galeen raggii Falkaas ka danbeyey ayaa  saaka hawlgal qorshaysan ku soo qaaday deeganka iyaga oo isku soo ekaysiiyay shacab adeegsanaya gaadiidka dadwaynaha   waxayna halkaas ka sameeyeyn hawl gal Balaaran.

Saraakiisha ciidanka Xoogga  dalka somaaliyeed ayaa horay u balan qaaday in ay gacanta ku soo dhigi doonan cid walba oo falkaas ku lug ku lahayd loona maxkamadayn doono sharcigana la horgaynayo  waxayna haatan u muuqdaan dadaladani kuwo looga dhabaynayo.