Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya oo ka hadlay dhibaatadii loo geystay Ciyaartooyda K/Galbeed

Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatadii shalay magaalada Muqdisho loogu gaystay qaar ka mid ah ciyaartoyda xulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye Cabdiqani Siciid Carab oo BBCda u warramayay ayaa sheegay in dhibaatadaas ay ku kaceen dhalinyaro uu ku tilmaamay inaysan tixgalinayn habsami u socodka ciyaaraha, oo u soo daawasho tegay ciyaartii Isniintii garoonka Injineer Yariisow ku dhexmartay Gobolka Banaadir iyo Xulka Koonfur Galbeed, taas oo 3-1 ay guusha ku raacday gobolka Banaadir.

Cabdiqani ayaa dhanka kale ka codsaday dadweynaha ciyaaraha u soo daawasho tagaya inay nidaamka ilaaliyaan.

Ilaa lix ciyaaryahan oo ka tirtsan Xulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan dhagxaan lagu dhaawacay, kadib markii ay Ciyaar la yeesheen Ciyartooyda gobolka Banaadir, taas oo kamid aheyd tartanka Kubadda Cagta dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir.