Dhageyso:- Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday go’aan ku saabsan Ciyartooydii la dhaawacay

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  Dowlad gobaleedka Koonfur ayaa sheegay in falkii lagula kacay Ciyartooyda Koonfur Galbeed uu ahaa mid si ulakac ah loo sameeyay, isla markaan la wada ogaa.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta u qabtay ayaa ku sheegay in arrintaan kaliya ay aheyd mid u gaar ah Ciyaartooyda reer koonfur Galbeed, waxaana uu dalbaday in baritano dhab ah lagu sameeyo.

Waxaa uu wasiirka hadalkiisa uu intaasi ku daray in hadii aan wax laga qaban in aysan ka qeyb gali doonin koob ay martigeliyay Gobalka Banaadir, sidoo kalena ay Muqdisho ka saari doonaan Ciyaartooyda Koonfur Galbeed ee ka Ciyarta Gobolka Banaadir.

Hoos Ka Dhageyso Codka Codka Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Koonfur Galbeed.