Dad horleh oo lagu xir xiray Magaalada Beledweyne iy howlgallo socda

Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan xaafadah Magaalada Beledweyne, waxaana Ciidamada ay howlgalka ku xir xireen dad farabadan o ay kujiraan kuwo Caan ka ah Magaalada Beledweyne.

Dadka howlgalka Maanta lagu xir xiray ayaa waxaa kamid ah Afhayeenka Jabhadda uu hoggaamiyo Janeraal Xuud oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Xuubeey iyo Cabdi Dhafe Isaaq oo kamid ah dadka ugu Caansan Beledweyne.

Dad ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay u sheegeen Idaacadda Risaala in dadka Maanta howlgalka lag xi xiray ay ku u dhaafayaan ilaa 50 ruux, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne.

Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Beledweyne ayaa waxaa maanta lagu arkayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata Gaadiidka dagaalka, waxaana inta badan xiran Goobaha Ganacsiga ee Magaalada.