Guddi xaqiiqo raadin ah oo loo diray xadka Soomaaliya & Kenya

Dowladda jabuuti ayaa si rasmi ah u shaacisay in Guddi xaqiiqo raadin ah ay u dirtay xadka Soomaaliya & Kenya ee dhinaca Beled-Xaawo si ay u qiimeeyaan xaalada ka jirta halkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddiga oo isugu jira diblumaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan ay u direen Xadka labada dowladdood, iyaga oo baari doona waxa halkaasi kajira iyo sababi keenay in uu xoogeysto khilaafka labada dowladood.

Waxaa uu sheegay in Jabuuti shirkii IGAD ee dhawaan ay marti gelisay loogu xilsaaray xal u helida xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeeysa Soomaaliya & Kenya, taas oo keentay inay guddi u saaraan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kal hore waxaa ay ku eedeysay Kenya inay soo hubeyneyso maleeshiyaad taabacsan maamulka Jubbaland, kuwaas oo u sugan xadka u dhaxeeya Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera si ay u weeraraan degmada Beled-Xaawo oo ay ku sugan yihiin Ciidamao ay dowladda Soomaaliya diyaarado ku geysay.

Xiisada u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya & Kenya ayaa xoogeysatay saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, waxaana dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer ku celcelisay in Kenya ay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya.