Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Farmaajo ku eedeeyay in uu qaaday tilaabo halis ku ah dalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu maanta ku dhaqaaqay tallaabo halis gelinaya jiritaanka Hey’addaha Dastuuriga ah, islamarkaana uu doonaayo in uu dalka burburiyo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xeerka uu maanta saxiixay uu baalmarsan yahay Dastuurka, mana lahan wax raad sharci ah.

Waxaa uu tilmaamay in uu faraha la galay shaqadii loogu tala galay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uuna baalmaray sharciga.

“Go’aan kasta oo ku saabsan maareynta iyo ansixinta dib-u-eegista dastuurka waxaa si gaar ah ugu xil saaran labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, sida ku cad qodobka 63aad (A) iyo qodobka 71aad (A) ee dastuurka KMG ah iyo habraaca dastuuriga ee ku qeexan cutubka 15aad ee Dastuurka KMG”ayuu yiri Aqalka Sare.

Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah maadaama la galay xilligii doorashooyinka dalka oo ay sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay 23-kii bishan Diseembar Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka taas oo ku saabsanayd arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.