Tababare ku xigeenka koox ka dhisan Turkiga oo cunsuriyeeyay

Kaaliyaha tababaraha kooxda Istanbul Basaksehir, ee waddanka Turkiga, Pierre Webo, ayaa sheegay in 8-dii bishan Diseembar ee 2020, ay noqon doonto maalin muhiim u ah taariikhda kubadda cagta marka ay timaado la dagaalanka midab-kala-sooca.

Ciyaartoyda Basaksehir iyo Paris St-Germain ayaa isaga baxay garoonka intii ay socotay ciyaar ka tirsaneyd koobka Champions League-ga, oo Talaadadii ka dhacday magaalada Paris, ka dib markii garsooraha afraad ee ciyaarta lagu eedeeyay in Webo uu ugu yeeray midabka jirkiisa.

Webo, oo 38 sano jir ah, ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen “kuwii ugu adkaa” ee xirfaddiisa soo mara.

Waxa uu intaasi ku daray in habeenkii dhacdadaas uu la xiriiray dhakhtar si uu uga caawiyo inuu hurdo.

Ciyaaryahankii hore ee xulka Cameroon, Webo, waxa uu garsooraha afraad, Sebastian Coltescu, ku eedeeyay inuu yasay kaddib markii uu midabkiisa ugu yeeray, halkii uu magaciisa ugu yeeri lahaa.