Wareega guruubyada ee UEFA Champions League ayaa maraya dhamaad

Kulamada 6aad ee ugu dambeeya waxay imaanayaan iyadoo Paris Saint-Germain, Manchester United iyo RB Leipzig dhamaantood ay wajahayaan cadaadis si ay u helaan guulo isla markaana ay ugu gudbaan wareega 16ka.

Waa kuwee kooxaha heli karatikidhada wareega bug-baxa iyo kooxaha ku burburi kara Europa League toddobaadkan?

Xirfadleyda kubada cagta ayaa xulashoyadooda sameeyay iyadoo koox kasta qiimo gooni ah lagu smaeeyay

Heerka guruubyada Champions League-ga wuxuu marayaa habeenkiisii ugu dambeyay, taasoo wadada loo xaarayo kooxaha wareegga bug-baxa tartankaan ku biiri doona caawa.

Heerka guruubyada Champions League-ga ee sanadkan ayaa lagu arkay kooxo waaweyn oo hal dhinac wada galay, iyadoo Barcelona ay ku dhacdayJuventus halka Paris Saint-Germain iyo Manchester United hal group wada galeen.

Kooxaha qaar ayaa durba xaqiijiyay booskooda wareega 16-ka Champions League, halka kuwa kale ay u baahan doonaan natiijooyin habeenka ugu dambeya ee kulamada guruubyada si ay u xaqiijiyaan mustaqbalkooda.

Iyadoo ay uu so dhowaaday isku aadka wareega 16ka, waxaa soo koobeynaa wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato marka isku aadka la qabanayo, sida loo qabanayo iyo kooxaha ay isku beegmi kara.

Isku aadka wareegga bug baxa Champions League ayaa dhici doona Isniinta Diseembar 14,

Waxaa lagu qaban doonaa xarunta UEFA ee Nyon, Switzerland.

Kooxaha ku guuleysta Group-ka waxaa loo kala saari doonaa kaalinta koowaad iyo labaad.

Kooxaha isku group-ka ahaa iskama hor imaan karaan wareega 16ka, halka naadi isku wadan ka socda (sida Premier League ama La Liga) aan la isaga hor keeni doonin.

Isku aadka wareegga 16-ka Champions League waxaa toos looga daawan doonaa shabakadda rasmiga ah ee UEFA.

Wareegga 16-ka ee ugu dambeeya wuxuu noqon doonaa laba lugood, iyadoo lugaha hore la ciyaari doono Febraayo 16 & 17 halka lugta labaad la ciyaari doono 9 & 10, 2021.

Kooxaha sida Bayern, Manchester City, Liverpool iyo Chelsea ayaa dhamaantood u soo baxay kaalmaha koowaad ee Group-ka, halka Porto iyo Sevilla ay ku dhameysteen kaalinta labaad ee kala sareynta.

Kooxaha ku guuleysta Group-ka waa la soo saari doonaa, halka kaalinta labaadna aan la baari doonin.

Kooxaha sida Borussia Dortmund, Juventus iyo Barcelona ayaa dhamaantood raaci kara wadadaas laakiin waxay u baahan doonaan inay sugaan ilaa iyo natiijada kulanka ugu dambeeya si loo kala saaro.

Miisaanka culus ee kooxaha ku leh yurub sida PSG iyo Man Utd labaduba wali waxay u dagaallami doonaan booska loogu soo baxo wareega 16-ka Champions League, halka Real Madrid ay loolan adag kala kulmi doonto kooxaha Borussia Monchengladbach iyo Shakhtar Donetsk si ay ugu soo baxaan wareega 16ka Champions League.

Xaaladda RB Leipzig: Waa qasab-guul kooxda Bundesliga si ay ugu gudubto wareega bug-baxda. Waxa ugu fiican ayay la imaan doonaan kulanka United. sida uu aaminsan yahay falanqeeyaha Sandra Herrera

Xaaladda Manchester United: kulanka Leipzig waxay u baahan tahay inay la soo baxdo dardar si ay ugu soo naxaan wareega bug baxa. – sida uu aminsna yahay Mike L. Goodman.

Xaalada Paris Saint-Germain: PSG ayaa xaalada u rogtay dhinac kale  guushii ay ka gaadhay Leipzig iyo United guul kale waxay u xaqiijin doontaa dhib la,aan booskooda wareega 16ka sida u aaminsan yahay – Jonathan Johnson