Dhageyso:-Walaaca musharixiinta Madaxweynaha ee doorashada oo xoogeystay (WARBIXIN)

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray walaac ay qabeen musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada  sanada 2021 iyo Xubnaha mucaaradka ee doonaya in isbedel dhinaca hoggaanka ah uu ka dhaco dalka.

Walaaca ugu badan oo ay qabaan ayaa waxaa uu yahay Guddiga doorashooyinka oo ay soo magacaabeen Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynayaasha Maamulada, Galmudug Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay sheegeen in lagu daray Xubno badan oo kamid ah Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya & Shaqaalaha Dowladda.

Qoraalo isdaba-joog ah ayay soo saareen musharixiinta Madaxweynaha, Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiin u hanqal taagaya inay xilal ka qabtaan Soomaaliya, hayeeshee majirto cid dheg jalaq u siisay hadalkooda,waxaana tababaro lo furay Xubnaha guddiyada doorashooyinka.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin Cabduqaadir Jakaarta