Galmudug oo Magacowday guddiga doorashada heer dowlad goboleed

Madaxtooyada Galmudug ayaa  Magacowday Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleedka heer Galmudug.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 8-da xubnood  ayaa waxaa ku jira labo Haween ah, xilli dhowr jeer Haweenka Soomaaliyeed ay ka cawdeen inaan door laga siin Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka.

Guddigaan ayaa  waxaa lagu biirin doonaa Saddex Xubnood  oo ka imaanaya dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ku cad heshiiskii doorashada ay gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & gobolka Banaadir si ay uga wada Shaqeeyaan doorashooyinka Xubnaha labada Aqal.