Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa cambaareysay xariga Ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Muqdisho ugu geysteen Wariye Cabdullaahi Kulmiye Cadow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye.
Wariye Cabdullaahi ayaa ciidamada NISA waxaa ay kala baxeen hooygiisa, waxaana SOMA ay sheegtay inay ka welwelsan tahay xaaladda wariye Cabdullahi Kulmiye oo aan la ogayn halka lagu xiray.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Dalladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.
Dalladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, waxay cambaareynaysaa falka wariye Cabdullahi Kulmiye Caddow ay xalay saq dhexe ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda ugala bexeen hoygiisa.
Dalladda SOMA waxay ka welwelsantahay xaaladda wariye Cabdullahi Kulmiye oo aan la ogayn halka lagu xiray.
Cabdullahi Kulmiye waa wariye xirfad yaqaan ah kana tirsan Idaacadda Kulmiye KNN ee magaalada Muqdisho.



