Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta sabti ah yeeshay kulankoodii caadiga ahaay
Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur gacal waxaana ku wehlinayay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Cabdulaahi Xersi Maxamed, kulanka ajandihiisa ayaa ahaay,
“Akhrinta 2aad iyo Dooda Hindise-Sharciyeedka Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose
- Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Maareyn Deegaanka Galmudug
Dhawrista Waqtigu waa Muhiim
Qaar kamida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa soo jeediyay in isbadal lagu sameeyo qodobo dhowr ah oo kujira Sharciyadaan ay soo gudbiyeen Wasaaradaha arimaha Gudaha iyo Bay’ada ee Dowlad Goboleedka Galmudug.”