Jariif ba’an oo ka socda xeebaha Puntland

Xeebaha Puntland gaar ahaan gobolka Bari ayaa lagu arkayaa Doonyaha & Maraakiibtii Jariif ee ugu badnaa kuwaas oo guranaya Kheyraadka Badda.

Maraakiib waaweyn oo laga leyahay dalal shisheeye ayaa bilaabay inay xaaluf xoogan ku sameeyaan kalluunkii yaaley xeebaha gobolka Gardafuu, waxaana durba cabasho xoogan ka muujinaya kalluumaysatada iyo shacabka kunool gobolkaasi.

Xeebaha degaanada Gumbax iyo Bareeda ayaa kamid ah meelaha jariifka ugu ba’an laga soo sheegayo, waxaana arrintaas cabasho xooggan ka muujiyay Kalluumeystada Degaanka.

Xaalufkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan ay baddu furantay isla markaana kalluumaysatada gobolkaasi ay gashay rajada inay ka faa’iidaystaan kalluunka badda ku dhashay mudadii baddu xirnayd guud ahaan deegaamada Puntland.

Sidoo kale, Kalluumeysatada ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyay in ay rukhsad siisay doonyaha jariifka qaarkood, islamarkaana ay lacag ka sameeyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland.