Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo laga helay Coronavirus

Weeraryahanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa laga helay Cudurka halista ah ee Korona Fayras.

Xiddiga Juventus ayaa laga fasaxay xulka qaranka Portugal isagoo seegaya kulanka UEFA Nations League ee ay la ciyaarayaan xulka Sweden.

Ronaldo ayaa haatan geli doona karantiil ugu yaraan muddo toban maalmood ah iyadoo la sheegay inaysan ka muuqan wax calaamado ah oo la xiriira cudurka.