Mas’uuliyiin ku baxay shaqaaqo ka dhacday duleedka Beledweyne

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee dhanka Maamulka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan  Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maadey ayaa gaaray Maanta degaanka Shiir kaceeno oo Beledweyne dhanka waaqooyi ka xiga 20km halkaas oo shalay shaqaaqo sababtay khasaaro ay ka dhacday.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ku guuleystay xalinta Shaqaaqadaas, isaga oo degaankaas kula kulmay dhincayada dagaalmay, waxaana waxgaradka degaanka ku booriyay inay nabadda ka Shaqeeyaan, isla markaana wax walba miiska Wada-hadallada ku dhameeyaan.

“Alle ah u naxariisto dadkii shalay halkaan nooga dhintay inta dhaawaca ah Caafimaad baan u rajeeyay waxaa dhamaan odayaasha Waxgaradka iyo dadka degaanka aan ugu baaqayaa Nabad ayuu yiri” Guddoomiye Abuukar.

Xisada ayaa ka dhalatay sida la sheegay dhul ku yaalla degaanka lagu dagaalamay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.