Marcus Rashford iyo Mason Mount ayaa goolal dhaliyay iyadoo England guul ciriir ah ka gaarta Belgium kulan ka tirsan Group A ciyaaraha Uefa Nations League oo ka dhacay Wembley.
Gareth Southgate ayaa sagaal isbedel ku sameeyay kooxdii garaacday Wales habeenkii Khamiista, Kieran Trippier iyo gooldhaliyaha Dominic Calvert-Lewin ayaa aa kuwa kaliya ee ka badbaaday shaxdaas.
Inkasta oo ay ciyaarta ku bilaawdeen si fiican, England ayaa hogaanka loo qabtay kaliya 16 daqiiqo markii ay soctay Romelu Lukaku ayaana rigoore kalsooni leh dabamariyay goolhaye Jordan Pickford ka dib markii Eric Dier ku jilafay xerada ganaaxa.
England ayaa barbaro ka dhigtay ciyaarta ka hor inta aan la gaarin qeybta nasashada, iyadoo Rashford uu si xoogan u dhaliyay goolka rigoore ah ka dib qalad uu Thomas Meunier ku galay Jordan Henderson.
Laakiin tababaraha England ayaa waqtigii nasashada isbedel badan sameeyay, waxayna heleen daqiiqadii 64aad goolka labaad England markii Mount uu kubad jog sarre ah ku riday shabaqada Bulgium.
Carrasco ayaa barbareyn karay ciyaarta kadib kubad qurux badan oo uu siiyay Kevin De Bruyne, laakiin England ayaa heshay fursado u gaar ah, iyadoo Harry Kane iyo Rashford oo bedel ku soo galay ay labaduba fursado lumiyeen.
Ugu dmabeyn ciyaarta ayaa kusoo idlatay 2-1 oo ay ku badiyeen xulkiisa martida loo ahaa ee England.
kaalinta koowaad ee group-ka A 7 dhibcood waxa ku hogaaminaya England seddex kulan oo ay ciyaareen, iyadoo Belgium ay dhibic ka hooseyso.
Rikooro
England ayaa badisay 20 ka mid ah 21-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay (mid waa laga badiyay), waxay dhalisay 67 gool halka ay kaliya 10 laga dhaliyay.
Kooxda Southgate ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaareen garoonkooda, saddexda libaax lagama badin tan iyo bishii Sebtember 2010 kulamada gurigooda (18 oo xiriir ah ayayna badiyeen).
Marcus Rashford waa ciyaaryahankii afaraad ee Manchester Untied ee goolal ka dhaliya afar kulan oo isku xigta tartan rasmi ah xulka England ka dib Bobby Charlton, David Beckham iyo Wayne Rooney (x2).