Puntland oo shaacisay kiisas Cusub oo Cudurka Coronavirus ah

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay kiisas Cusub oo Cudurka COVID-19 ah, kadib baaritaano la sameyay maalmihii la soo dhaafay.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray  108 Ruux, 21-kii iyo 22 bishan, isla markaana xanuunka Covid19 laga helay 14 qof oo kamid ah dadkaasi

Dadka xanuunka laga helay ayaa la sheegay inay dhamaantood joogaan Magaalada Garoowe, waxaana 14 qof ee xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxaysaa 20 sano jir ilaa 73 jir.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay degaannada Puntland ee shaybaaradu xaqiijiyeen ayaa hada gaartay 499 qof waxaa u dhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 230 qof.