Xildhibaannadii ugu badnaa oo ku sugan Kulanka Golaha & Jawaari oo kasoo muuqday

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku sugan Hoolka Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo loo balansan yahay kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka aan ka heleyno Villa Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in kooramka uu dhan yahay, hayeeshee weli uusan kulanka furmin maadaama madaxda ay ka maqan yihiin hoolka, waxaana Maanta kulanka kasoo qeyb-galay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka maxamed Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa la sugayaa, iyadoo Howlwadeenada labada Xafiis sida Ilaalada iyo Kooxda Protocol-ka qaabilsan ay ka soo hormareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona Kulanka golaha, isaga oo Xildhibaananda weeydiisan doona inay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee uu Magacaabay.