Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo Beledweyne looga dhawaaqay

Taliyaha guutada 5aad qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Korneyl Maxamuud Ibraahim Xasan Baakaay ayaa sheegay ayaa sheegay in siweyn loo adkeeyay amniga guud ee degaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay dilal ka geysteen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay taliyaha in Ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin habeen iyo maalin inay la dagaalamaan Al-Shabaab, waxaana uu soo hadal qaaday dilkii dhawaan Beledweyne loogu geystay mid kamid ah horjoogayaasha Macawiisleyda oo dagaalka kula jira Al-Shabaab,waxaana uu sheegay in ninkii ka dambeeyay ay Ciidamadu dileen.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in guud ahaan Amniga Gobolka Hiiraan ay wax badan ka bedeli doonaan, isla markaana Ciidamada ay howlgallo qorsheysan ka fulin doonaan degaano badan oo uu sheegay inay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Hadalka Taliyaha guutada 5aad qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Amniga magaalada Beledweyne laga deyrinayay, isla markaana bilihii la soo dhaafay lagu dilay dad mas’uuliyiin ah.