Madaxweynihii hore ee Maali oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee mudada dheer dalka Mali  xukumayay Moussa Traore ayaa dhintay isagoo jira 83 sano, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP oo soo xiganaysa qoyskiisa.

Traore wuxuu xukumayay wadankaan ku yaalla Galbeedka Afrika muddo 22 sano ah.

Wuxuu xukunka la wareegay 1968 ka dib markii uu hogaamiyay militariga inqilaab ka dhan ah madaxweyne Modibo Keïta.

Wuxuu xilka sii hayey ilaa bishii Maarso 1991 markii xukunka looga tuuray kacdoon dadweyne.

Geerida Traore ayaa imaaneysa bil uun kadib afgambigii kale ee ka dhacay dalka Mali ee lala beegsaday madaxweynihii hore ee wadanka Ibrahim Keita.

Keita ayay militariga ka xayuubiyeen xafiiska 18 Ogosto kadib todobaadyo mudaaharaadyo looga soo horjeeday xukunkiisa.