SAWIRO:-Somaliland oo si rasmi ah Xafiis Diplumaasiyadeed uga furatay Taiwan

Waxaa magaalada madaxda Taiwan ka dhacday xaflad xarigga looga jarayay oo lagu furayay xafiiska wakiilka Soomaaliland oo dhawaan xiriir Cusub la yeelatay Ismaamulka Taiwan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan Joseph Wu ayaa ka qeyb galay xafladdii lagu furayay xafiiskaasi soomaaliland ay ku yeelan doonto magaalada Taipei.

Mr Wu oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa yiri “Taiwan waa gurigiinii labaad!”
“Anaga iyo kuwa aan isku fikirka nahay waxaan hormarinaynaa nabadgalyada, barwaaqada iyo anaga oo ilaalinaynaa hab noolaleedkeena dimuqraadiyada,”ayuu intaa ku daray Mr Wu.

Sida uu qoray bogga Taiwan news waxaa sidoo kale xaflada lagu furayay xafiiska Soomaaliland ee Taiwan goobjoog ka ahaa wakiilka Soomaliland u fadhin doona magaalada Taipei Mohamed Cumar Xaaji iyo Xubno kale.

Waxaa goobtii ay ka dhacaysay xafladda lagu furayay xafiiska Soomaaliland sidoo kale laga siidaayay muuqaalka khudbad horey loo sii duubay oo jeedinayay madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Maanta waxan aad ugu faraxsanahay aana soo dhaweynayaa aan u hambalyaynayaa dowladda Taiwan in ay si rasmi ah u aqbasho inay furto xafiiska,”ayuu yiri Mr Biixi.
Waxaa uu khubadiisa ku sheegay in labada dhinac ay dimuqraadiyada iska kaashan doonaan, ayna wadaagi doonaan arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo iskaashiga hormarka labada dhinac.

Madaxwayne Biixi ayaa waxau sidoo kale khudbadiisa ku sheegay in xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dhinac uu yahay mid ku saleysan mabaadi’da ay wadaagaan ee ku qotoma xorriyadda iyo dimuqraadiyadda.

17 bishii Augst ayaa waxay xukuumadda Taiwan xafiis wakiileed ka furatay magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland, hayeeshee waxaa Cambaareyn ay kaga timid Shiinaha iyo dowladda fedaraalka ee Soomaaliya oo labadaba ku baaqay in la ilaaliyo madaxbananida iyo midnimada dalalkooda.