Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay weerarkii ay waaberigii saakay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka Amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in ciidamada weerarka soo qaaday aysan u suurtogelin inay magaalada gudaha u galaan, isla markaana uu hadafkoodu ahaa inay qaraxyo ku xiraan buundada Balcad.
Wuxuu sheegay in khasaaraha dhanka ciidamada dowladda uu yahay hal askari oo dhimasho ah iyo saddex dhaawac ah.
Dhowr jeer oo hore ayay Al-Shabaab weerar ku qaadeen magaalada Balcad. Wasiirka oo ka hadlayay sababta ay mar walba Al-Shabaab ugu soo laalaabtaan magaaladaas ayaa yiri, “Balcad sidaad ogtahay waa istaraatiiji waa magaalo xiriirisa Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe, sidoo kale Shabeellaha Hoosena xiriirisa. Marka maaddaama deegaankaas uu yahay mid istaraatiiji ah ayaa keeneysa inay ku soo laalaabtaan.” Ayuu yiri wasiirka.
Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in weerarkii saakay ay ku qaadeen Balcad ay ku dileen afar askari oo ka tirsan ciidanka dowladda.



