Jubbaland oo War kasoo saartay weerarkii Jannaay Cabdalla

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saaka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland ku leeyihiin degaanka Jannaay Cabdalla oo qiyaastii 60km Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo & howlgallo ka socda.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka in weerarkaas ay ka hortageen Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo wada jira,isla markaana guulo ay ka gaareen dagaal ay la galeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maamulka Jubbaland ay qorsheeyeen howlgallo la isugu gurayo wadada xiriirisa Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay degaanka Janaay Cabdalla, iyaga oo sheegay inay ku dileen Afar Sarkaal oo Mareykan ah iyo 16 kamid ah Ciidanka dowladda, hayeeshee War kasoo baxay mareykanka ayaa lagu sheegay in hal askari uu kaga dhaawacmay weerarkaas.