Dhageyso:-Wasiir Goodax oo shaaciyay sababta ardayda Muqdisho imtixaanka ugu dhaceen

Sii Hayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in dhowr arimood ay sabab u tahay inay Imtixaanka ku dhacaan ardaydii ugu badneyd oo Imtixaanka ku galay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in ay jiraan Iskuulo sigaar ah loo leeyahay oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaas oo Ardayda fasalada qaar ka bootiya ama ka gudbiya, taas oo keentay in Waxbarashadooda ay liidato.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay inay wadaan qorshooyin la xiriira baaritaano lagu sameynayo Iskuulada ku yaalla dala si loo hubiyo tayadooda waxbarashada si Carruurta Soomaaliyeed wax u bartaan.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday natiijada imtixaankii ay qaaday, waxaana sanadkaan dhacay 8.550 Arday oo ku dhawaad 8,000 oo kamid ah ay ahaayen Ardaydii waxka baraneysay Gobolka Banaadir.