Maxkamad xukunka ka khafiifisay dadkii loo heystay dilka Khashuqji

Maxkamad ku taalla boqortooyada Sacuudiga ayaa xukunka ka khafiifisay shan qof oo loo heystay dilkii weriye Jamaal Khashuqji ee labadii October ee sanadkii 2018-kii.

Sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Sucuudiga Dacwad oogaha guud ee dalkaas wuxuu sheegay in raggaas lagu riday 20 sano oo xadhig ah.

Sidoo kale Maxkamaddu ay ayidday xukun u dhexeeya 7 ilaa 10 sano oo lagu riday saddex qof ee kale.

Sababta xukunka looga khafiifiyey ayaa lagu sheegay cafis uga yimid Qoyska Weriyaha.

Wariye Jamal Khashuqji oo si weyn u dhaleecen jiray xukuumadda Sucuudiga ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyada Sucuudiga ee Magaalada Istanbul, dilkiisa ayaa u dhacay si arxan daran ka dib markii la jarjaray.

Dilka Wariyahaasi ayaa waxaa ka dhalatay Carro badan Sucudiguna kala kulmay sumcad xumo dhanka dalalka caalamka ah.

Shanta qof ayaa hore lagu riday xukun dil ah kuwaas oo la sheegay in si toos ah ay uga qeyb qaateen dilka halka saddex kalena lagu riday xukun xarig ah, waxaana lasii daayay saddex qof oo kale oo lagu waayey wax dambi ah.