DAAWO:-Senator Muuse Suudi “Waxaan arkayaa heshiis aan Hawiye qeyb ka aheyn Farmaajo ayaana wado”

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamdi ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan kulanka la filayo in uu Magaalada Muqdisho ku dhex-maro Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Senator Muuse Suudi waxaa uu sheegay in shirkaasi uu yahay mid uu ka maqan yahay doorkii ay ku laheyd xaalada siyaasadeed ee dalka Beesha Hawiye, isla markaana uu yahay mid uu wado Madaxweyne Farmaajo.

”Waxaan aragnaa Heshiis aysan qeyb ka ahayn Ciddaan hawiye ah inuu meesha ka socdo Farmaajo ayaana wada dalkaanna wanaag kama uu rabo kaligiis waaye cidna kuma eedeyno ayuu yiri” Senator Muuse Suudi.

Halkan Ka Daawo Hadalka Senator Muuse Suudi.