Dhageyso:-Xildhibaan Madaxweyne Farmaajo kula taliyay in uu xiro Axmed Madoobe

Xidlhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka kana soo horjeeda siyaasadda Madaxweynaha Jubbaland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uu kula taliyay in uu Xabsiga dhigo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Madaxweynayaashii dalka soo maaray uu mid kasta Madaxweyne Axmed Madoobe uu siinayay fursad laba sano ah,isla markaana uu Kismaayo ku joogo Cadaalad darro.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka ayuu ka codsaday inay Xabsiga dhigaan Madaxweynaha Jubbaland oo uu sheegay inay dacwad ka taallo,isla markaana dad uu dilay sida uu hadalka u dhigay.

“Mudane Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali cadsiga intaan Meesha fadhisa Axmed Madoobe Xabsiga ha u hoydo”