Dhageyso:-Madaxweyne Deni oo su’aal kulul uga jawaabay Senator Muuse Suudi

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta waxaa uu hortegay Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka Sare, iyada oo su’aalo uga jawaabay Senatarada Aqalka Sare qaarkood.

Senatarada Aqalka Sare ayaa Madaxweynaha puntland su’aalaha ay weeydiiyeen waxaa kamid ahaa ka maqnaanshaha Ra’iisul Wasaare iyo awood qeybsiga dalka shirka ay leeyihiin isaga, Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay in kursigaas beeshii laheydba aysan u doodeen.

“Reerkii lahaa hadeeysanba raadineyn, aniga ruuxadeydu waxaan is iri hadda malaha ma rabaan nimankuye ka gudub, laakiin hadii sida aad sheegteen bahashii aad daneyeneysaan, codkiina si fiican haloo maqlo”

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa Madaxweyne Deni weydiiyey Su’aal aheyd inay Muqdisho u joogaan kaliya inay Madaxweyne Farmaajo la heshiisaan iyo inay macquul tahay in Madaxweynaha ku qanciyaan in Ra’iisulWasare magacaabo, waxaana uu ugu jawaabay.

Hoos Ka Dhageyso Jawaabta Madaxweynaha Puntland.