Iran ayaa oggolaatay in baarayaasha Hay`adda Quwadda Atoomikada Adduunka ay tagaan labo goob oo hore looga shakisanaa nukliyeerka.
Warbixin ay si wada jir ah u soo saareen ayaa lagu sheegay in Iiraan ay arrintan u sameyneyso si loo xalliyo khilaafkii ka taagnaa goobahaas.
Heshiiskan ayaa yimid kaddib markii uu Isniintii Tehran booqasho ku tegay agaasimaha guud ee IAEA Rafael Grossi.
Hay`addan ayaa Iiran ku cambaareysay inaysan jawaab ka bixin su`aalaha ay ka qabtay in howlo nukliyeer ay ka socdaan goobahaas, isla markaana ay u diidday inay booqdaan.
Waxaa loo maleynayaa in howlahaasi ay socdeen sanadkii 2015, markaas oo ay Iran heshiis la gashay quwadaha adduunka, heshiiskaas oo xaddidayay barnaamijkeeda nukliyeerka.



