Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ka dambeeyay inay Magaalada Garoowe kulan gaar ah ku yeeshaan isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Deni waxaa uu sheegay in shirkaasi uu lahaa hal ujeedo oo ah sidii Madaxda Puntland iyo Jubaland ay mowqif midaysan uga yeelan lahaayeen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021.
Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in shirkii ay Magaalada Garoowe ku yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland uu kusoo dhamaaday guul, isla markaana ay soo wada saareen go’aano ay ku mideysan yihiin.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo gaaraan Magaalada muqdisho si Madaxda Sare ee dowladda Federaalka ugala hadlaan arrimo la xiriira doorashooyinka.



