Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya 24 /8/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaan daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ay la beegsadeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanku Isniintii geystay, ayaa lagu sheegay in lagu dilay lix ka tirsan AlShabaab, sida laga soo xigtay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeymahan ayaa looga jawaabayay weerar ay Alshabaab ku qaadday ciidamada Mareykanka iyo ciidamada kale ee caawinayay ee ah kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaal-yahannada AlShabaab ayaa la sheegay inay weerarka ka soo qaadeen dhisme ku yaalla meel u dhow Dar as-Salam kahor inta aysan dhicin duqeynta cirka, hayeeshee weeraradaas iyo duqeymaha ayaan weli ka hadlin Dowladda Soomaaliya.