Xiisadda u dhaxaysa Tanzania iyo Kenya oo sii xoogeysatay

Tanzania ayaa mamnuucday saddex kale oo diyaarado ah oo Kenya laga leeyahay, iyadoo uu sii xoogeysanayo muranka u dhaxeeya labadan dal ee deriska ah ee la xiriira Covid-19.

Waaxda ku shaqada leh diyaaradaha ee Tanzania, TCAA ayaa mamnuucday diyaaradaha Fly 540, Air Kenya Express iyo Safarilink Aviation.

Diyaaradaha ayaa maalin walba u duula goobaha dalxiiska ee Kilimanjaro iyo Zanzibar.
“Sababta loo mamnuucay saddexda diyaaradood ee Kenya laga leeyahay waa muranka u dhaxeeya labada dal,” ayuu yiri Hamza Johari oo ah agaasimaha guud ee waaxdaasi.

Mar sii horreysay, diyaaradda Kenya Airways ayaa laga mamnuucay Tanzania kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay rakaabka ka imaanaya Tanzania inay muddo 14 maalmood ah is karantiilaan.

Madaxweyne John Magufuli ayaa bishii June ku dhawaaqay in Tanzania uusan ka jirin coronavirus.

Dowladdiisa waxaa lagu cambaareeyay sida ay isaga dhega tirtay xanuunka