Lionel Messi oo ku dhawaaqay hadal ka nixiyay Barcelona

Xiddiga weyn ee ree Argentina Lionel Messi ayaa kooxdiisa baarceloona u sheegay inuu xilli ciyaareedkan ka tagayo naadiga.

Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 33 jir, cimrigiisa ciyaareed oo dhanna kusoo qaatay Barcelona ayaa ku dhawaaqay go’aankan oo aanan marnaba laga filanayn.

Waxa uu kooxda ka codsaday in si dhakhsiya lagu fasaxo oo weliba bilaash ah. Barcelona ayaan kala daahin jawaabteeda, waxaanay si degdeg ah ugu sheegtay Lionel Messi in aanay marnaba u ogolaan doonin inuu si bilaash ah kaga tagoi kooxda.

Inkasta oo uu laacibkani wax badan usoo qabtay, haddana Barcelona ayaa ka fikiraysa dhinaca ganacsiga marka ay timaaddo inuu tago xiddigga ugu wanaagsan dunida, mana ogolaan karto in uu bilaash ku baxo maadaama lasoo dhaafay waqtigii uu heshiiskiisu u ogolaa inuu si bilaash ah ku bixi karo.

Barca ayaa waxaa 8-2 ku garaacay Bayern Munchen rubuc dhammaadkii horyaalka Yurub ee Champions League, 16-kii bishan August.