Saraakiisha Sar sare ee Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixiyeen howlgalladii ugu dambeeyay ay Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland Aadan Maxamuud Ibraahim (Koojaar) ayaa sheegay in howlgalalda la qabto bil walba iyo todobaad walba,isla markaana u jeedkoodu uu yahay sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in todobaadkaan howlgal ay fuliyeen Ciidamada Jubbaland ay ku dileen Afar Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay Shababa isku dayeen inay weeraraan Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Jubbaland ay bur buriyeen xarumo ay ku lahaayeen Gobolada Jubbooyinka,sidoo kalena ay Ciidamada sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay inta badan howlgallo ka fuliyaan degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka, balse ay mararka qar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.



