Puntland oo markale dib u dhigtay Maxkamadeynta rag loo heysto kufsi iyo dil

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta la horkeenay Todobo rag ah oo loo haysto kiiska kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay marxuumad Hodan Axmed Maxamed Shanleyste.

Ragaan maanta la horkeenay madaxkamada ayaa lagu eedeeyey in 2019 bishi 4aad ee ay Hodan Shanlayste oo xiligaas hooyo ahayd kufsi iyo dil ugu gaysteen Magaalada Garoowe.

Maxkamada ayaa dhagaysi kadib dib dhigtay iyadoo eedaysanayaasha oo aan wadan qareen, hayeeshee ay Maxkamadu qareen u qabatay.

Dhagaysiga kiiska Garsoorayaasha sheegeen in dib la isugu soo laaban doona marka qareenada eedaysanayaasha loo qabtay ay soo diyaar sadaan docomentigooda.