Qaar kamid ah Darawalada Gaadiidka Xamuulka ee ka Shaqeeya dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in feel dheer ay ugu jiraan sidii ay dekadda ku geli lahaayeen muddo 18 maalmood ah.
Waxaa ay sheegeen qaarkood Darawalada oo la hadlay Risaala TV in ay seexdaan hareeraha laamiga iyo gawaaridooda hoostooda maadaama aysan ka tegi karin gawaarida ay mas’uulka ka yihiin, isla markaana Shaqo kale heysan.
Sidoo kale waxaa ay sheegen in Baraha Koontorool ee ku yaalla Magaalada Muqdisho looga qaado lacago farabadan si ay Magaalada dhinacyadeeda kale isugu kala gudbaan,sidoo kalena gobolada dalka oo ay ka Shaqeyn jireen uga soo carareen isbaarooyin badan oo la soo dhigin.
Waxa ay inoo sheegeen in baraha kontarool ee kuyaala isgoysyada muqdisho ciidamada joogga ay kusoo daayaan lacago baad ah oo ay kaqaataan waa sida ay sheegeene.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan guddi u saartay Gaadiidka waaweyn ee ciriiriga ku haaya Magaalada Mqudisho iyo in la sameeyo goobo gaadiidka lagu sii hayo inta ay dekadda ka gelayaan si looga baaqsado cariiriga badan ee ay ku hayaan Wadooyinka.




