Qarax ka dhacay degmada Walanweyn & khasaaro ka dhashay

Wararka laga helayo degmada Walanweyn oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu Maanta ka dhacay qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa hoose ee Dagmada Wanlaweyn, waxaana goobjoogayaal ay Risaala u sheegeen in qaraxaas ay ku dhinteen laba Ruux oo Shacab ah qof kalena uu ku dhaawacmay.

Weli macadda cidda lala damacsanaa qaraxaasi, waxaana xilliga uu dhacayay qaraxa Suuqa uu ahaa mid mashquul badan oo ay ka socdeen howlo Ganacsi,isla markaana dadka ku nool degmada Walanweyn ay u dukaameysi tageen.

Maamulka Dagmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin qaraxa ka dhacay degmadaas, iyada oo ammaanka maalmihii la soo dhaafay la sheegay in uu aad u xumaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Walanweyn ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii qaraxaasi ka dambeeyay walow aysan ku guuleysan.

labadii Bishaan ayay aheyd markii xilli habeen ah weerar bambaano lagu qaaday Hoyga Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdullaahi Koosto, waxaana weerarkaas ku dhintay Gudoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn iyo dad kale.