Kooxda Bayern Munich ayaa ka adkaatay kooxda Paris St-Germain finalka Champions League ee ka dhacay magaalada Lisbon iyada oo ku guuleysatay markii lixaad.
Kingsley Coman, oo mustaqbalkiisa ciyaareed ka soo bilaabay PSG, ayaa xalliyey xaalada kacsan ee garonka daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta kadib markii uu madax ku dhaliyay karoos uu keenay Joshua Kimmich.
Waxay u aheyd habeen farxad leh tababaraha Bayern Hansi Flick, kaasoo Champions League kudarsday Bundesliga ka dib markii uu si kumeel gaar ah shaqada ula wareegey markii Niko Kovac la ceyriyay bishii November.
Taas bedelkeeda, waxay ahayd habeen niyad jab weyn u ahaa labada weeraryahan ee PSG Neymar iyo Kylian Mbappe, kuwaasoo ku guuldareystay inay soo bandhigaan wixii ugu fiicnaa oo ay ku jahwareerin kareen goolhayaha Bayern Manuel Neuer.
Xanuunka Mbappe ayaa sii kordhay qeybtii labaad markii Kimmich uu ku riixay xerada ganaaxa, laakiin rigooradii PSG ay ku dooday ayaa la iska indhatiray – taasoo ka dhigtay in Bayern ay dabaaldegto markii loo caleemo saaray horyaalnimada Yurub mar kale.
Bayern Munich ayaa noqtay kooxdii ugu horreysay ee ku guuleysta koobkan iyadoo aan laga badin hal kulan oo kamid ah 11 kulan oo ay ciyaareen xili ciyaareedkan.
Jahwareerka gooldhaliyaasha PSG Mbappe iyo Neymar ayaan qaban shaqadii loo baahnaa.
Amaanta weyn ee kulanka waxaa leh tababare Flick, kaasoo ku hogaamiyay kooxda Bayern 21 guul oo isku xigta kadib markii la ceyriyay Kovac bishii November xiligaas kooxda dhibaato kujirtay.
Flick wuxuu kaloo muujiyey awoodiisa isagoo kulankaan usoo doortay Coman oo uu kazoo hormariyay ninka qibrada badan ee Croat Ivan Perisic.
Bayern ayaa sidoo kale muujisay in ay wali heystaan mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican dunida Neuer, kaasoo shaqadiisa ugu fiican qabtay abada galin ee ciyaarta.
PSG ayaa ka fakireysa hadda xiddigaha waa weyn ee Neymar iyo Mbappe iyo sida ay hormuud ugu noqan karaan weerarkooda markale kadib caqabadii Bayern Munich.
Labadan lamaane ayaa helay fursado , gaar ahaan qeybtii hore, laakiin dhameystirkooda ma aheyn sidii ugu fiicnaa waxaana qaab ciyaareedkii qariyay Neuer oo habeen qurux badan qaatay, iyadoo Mbappe uu seegay daqiiqado muhim ah.
Tani waxay ahayd ololihii ugu fiicnaa ee PSG Champions League laakiin tani ma yareyneyso xanuunka guuldarada ciyaartooyda iyo Thomas Tuchel, kaasoo hadda ku qasban inuu dib u habeeyo kooxdiisa maadaama kabtanka qibrad Thiago Silva uu kooxda ka tagayo.
Neymar iyo Mbappe ayaa sii ahaan doona rajada weyn ee kooxaha waa weyn ee dunida, maadaama shaki laga muujinayo inay kooxda kusii jiri karaan xili ciyaareedka soosocda.



