Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa Galabta u magacaabay Gudoomiyaha Maxkmada Sare ee Galmudug Md. Cabdullaahi Maxamuud Gacal.

Isla galabta lagu dhaariyay Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, iyadoo ay ka qeyb galeen, Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Gacal ayaa la sheegay  45-kii sano ee la soo dhaafay Garsoorka dalka uu ka mid ahaa.

Xeerilaaliyihii maamulka Hirshabeelle ayuu ahaa Sanadyadii ugud ambeysay, waxaana uu xilkaasi iska casilay Shalay.