Tartanka xiisaha badan ee horyaalka Qaaradda Yurub ee UEFA Champions League ayaa Caawa Final-kiisa waxaa isku arki doona labada kooxood Bayern Munich iyo PSG oo ka dhisan dalalka Germany iyo France aad ayaa isha loogu hayaa kooxda koobka qaadi karta.
Labada kooxoodba waxaa ay ku jiraan qaab ciyaareed aad u wanaagsan waxaana ay kulamadii la soo dhaafay soo bandhigeen awoodooda iyo sida koox kasta diyaar ugu tahay inay qaadato koobka.
Labadan koox ayaa ka mid ahaa kuwa ugu fiican Yurub oo dhan xilli ciyaareedkaan waxayna mid walba uu soo bandhigay riwaayad aad u wanaagsan kulamadii ugu dambeeyay ee wareega guruubyada Champions League ilaa bug baxda.
Bayern ayaa wadar ahaan 15 gool ka dhalisay Chelsea iyo FC Barcelona wareega knockout-ka.
Kooxda difaacaneysa horyaalka Bundesliga ayaa markii ugu dmabeysay Olympique Lyonnais 3-0 kaga badisay si ay finalka u gaaraan.
Dhanka kale, PSG ayaa ka adkaatay Atalanta oo qaab ciyaareed xamaasad leh wareega quarter-finalka soo bandhigtay ka dib waxay ku xaqijisteen booskooda finalka ka dib guushii weyneyd oo ay 3-0 kaga gaareen RB Leipzig.
Labada dhinac ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u sareeya marka ay ku kulmayaan caawa kama dmabeysta Champions League.



